
Wasiirka difaaca ee dalka Sweden Peter Hultqvist (S) ayaa sheegay in aaney labada markab ee ciidammada dagaalka Ruushka ee k u sugan warta Östersjö aaney dejineyn xaaladda ammaan. Hase yeeshee uu dalka Sweden indhaha ku hayo waaqicigooda, sida uu wasiirku sheegay.
– Xaaladda ayaan si joogto aha ula soconnaa oo la iiga soo war gudbiyaa. Waa mid la fili karo iney dhaqdhaqaaq sameeyaan ciidammadu, hase yeeshee waa mid laga welweli karo xaaladdan. Dhanka kale waa tallaabo walaac iyo saameeyn ku kordhineeysa dhammaan waddammada carrigaa dhaca, sida uu wasiirku sheegay.
Sweden tallaabo ma ka qaadi doontaa?
– Xaaladdooda ayaannu si joogto ah ula soconnaa iyo is-bedellada nawaaxigaa ku yimaada. Waa tallaabada aannu iminka ku raad-joogno.
Saadaaliyeyaasha ayaa horey ugu heeystey in maraakiibtan oo sal-dhiggoodu ahaa badda madow (Black sea) ey halkaasi ku nagaan doonaan, hase yeeshee ey fiid-nimadii salaasada soo dhaafeen xeebaha dalka Danmark, iyada oo la fileyo iney ku sii jeedaan magaalada xeebta ah ee carriga Kaliiningraad.
Arrinka walaaca keenay ayaa ah in maraakiibtani ku qalabeey-san yihiin seeyruuqyada gaara goobaha fog-fog, isla-markaana lagu hubeeyn karo aaladda qumbuliduriyadda nukliyarka.
Peter Hultqvist ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego sababta ey maraakiibtani iminka ugu soo beegmeen nawaaxigaa iyo inay tahay jawaab laga bixineyo fal uu dalkan Sweden iyo waddammada xubnaha ka ah Naato ku tallaabsadeen.
Tomas Ries, ahna caalin ka howl-gala jaamicadda difaaca ayaa aamin-san in falkani uu sii xumeeynayo ammaanka waddammada dhaca waqooyiga yurub. Iyadoona tallaabadan loo macneeyn karo siyaabo kala duwan.
– Waxaa loo arki karaa tallaabo siyaasadeed. Madax-waynaha dalka Ruushka Putin ayaa ogsoon in tallaabadani ay dareen dhalin karto. Waa tallaabo quwad lagu sheeganeyo, sida uu sheegay.
– Ciidan ahaan waxaa maraakiibtaa lagu weerari karaa dhammaan waddammada dhaca waqooyiga Yurub iyo sidoo kale in maraakiib casriyeey-san lagu meleeyo nawaaxigan, sida uu sheegay Ries.
Isha/ Ekot