Wasiirka Howlaha Guud, “Majiro Wax Dhul Danguud ah oo la siiyay Midowga Yurub”

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib udhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Saalax Sheekh Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax dhul danguud ah oo la siiyay Midowga Yurub, waxa uuna xusay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo dnogaar ah laga leeyahay.

“Majiraan wax dhul danguud ah oo lagu wareejiyay Midowga Yurub, waxaana dhulalka danta guud ee dalka wali loo isticmaalaa dantaguud ee Qaranka” ayuu yiri, Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib udhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale baaq digniin ah u jeediyay dadka ku howlan faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira dantaguud, waxa uuna xusay in cid allaale iyo cidii faafiso warar been abuur ah oo la xiriirta dantaguud sharciga la horkeeni doono.

Hadalka ka soo baxay wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaanahaan warbaahinta qaar ay baahinayeen warbixino been abuur ah oo la xiriirta in dhul danguud ah lagu wareejiyay Midowga Yurub.