
Wasiirka is dhexgalka Norway ayaa wajaheysa wicitaanada inay iscasisho ” ka dib markii ay sheegtay Muslimiinta inay la qabsadaan dhaqanka dalkaasi.
Hadaladeeda ayaa waxa sidoo kale ka mid ahaa halkan waxaan ku cunaa hilibka doofaarka, waxaan cabnaa khamriga waxaana muujinaa wajiga. Waa in ay u hogaansamaan dhaqanka, sharciyada iyo xeerarka Norway marka aad halkan timaado.
” Ms Listhaug ayaa si kastaba sheegtay in hadalkeeda si khaldan loo fahmay.
Dawladda isbaheysiga dalkaasi , oo ka mid ah xisbiga Ms Listhaug iyo xisbiga muxaafadka ah ee midigta dhexe ayaa cadaadis adag ku haya Muslimiinta dalkaasi todobaadkii la soo dhaafay.
Ms Listhaug ayaa sidoo kale ku celisay hadal uu horay u yiri Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Erna Solberg oo ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta inuu shaqo siin laheen qof xiran indho shareer ama niqaabka Islaamka.