Wasiirka Maaliyadda Federaalka oo Baydhabo Ka Dhagax Dhigay Wado Laami ah – SAWIRO

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Cabdiraxman Ducaale Bayle iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhagax dhigay wadamo laami oo dharerkeedu gaarayo 3.5km .

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaan ayaa waxaa bixinaya Bangiga Aduunka waxaana lasoo marsiiyey lacagta ku baxaysa Mashruuca SSF, oo hoostimaada Wasaaradda Maaliyadda, taas oo shaqadeedu tahay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka xarumaha dowladda.

Wasiir Bayle ayaa markuu gaaray Baydhabo kulan la qaatay madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in maanta ay u tahay maalintii ugu horaysay oo uu yimaado magaaladd halkaan,

“Waxaan kala kulmay magaalada soo dhaweyn balaaran, waana markii iigu horeysay oo aan imaado, waxaana farxad ii ah in imaatinkayga ay qayb ka tahay furitaanka wado laami ah oo gaaraysa 3.5km, waxayna bilwo u tahay mashaariic badan oo wasaaradu maaliyaddu ka fulinayso magaaladda Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka’ ayuu yiri Wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in lacagta wax lagu dhisayo ay nasiiyeen wadamo kale balse lagma maarmaan ay tahay inaan isku tashano oo aan dhisano waxkastaoo dalkaan u baahan yahay, waana inaan iskaa waxu qabso dalkaan ku dhisnaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee maamulka koonfur Galbeed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey waftiga dowladda imaatinkooda Baydhabo, kuna tilmaamay dhismaha kaabayaasha dhaqaaluhu in ay wax weyn k abadalayaan nolosha dadka, Baydhabana ay tahay xarunta halbowlaha u ah horumarka ka hana qaada goboladaan.