Wasiirkii Howlaha Guud Oo Maanta Aas-Qaran oo loogu sameeyey magaalada Muqdisho -SAWIRO

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay  Salaada Janaasada  oo lagu tukaday Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas C/laahi Siraaji oo xalay lagu dilay is-rasaasayn dhexmartay ilaaladiisa iyo kuwa hanti-dhowraha guud ee federaalka.

Aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay  Madaxweynaha dowladda federaaka Maxamec Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye  Baarlamaanka  Maxamed Cismaan Jawaari iyo masuuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxda Qaranka ayaa Alle uga baryay inuu Naxariistii Jano uu siiyo marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud, Waxaana sidoo kale Madaxda Qaranka ay Tacsi u direen Qoyska marxuumka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

dhinac kale, Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ay baaritaan rasmi ah ku samayneyso sida wax u dhaceen, wuxuuna u xaqiijiyay  qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata  la marsiin doonaa sharciga.