
Wasiiru dowlaha Cadaaladda dowladda Soomaaliya Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Khartoum kula kulmay Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Sudan Dr. Cawad Al Xasan Al Nuur, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga labada wasaaradood.
Jen. Muungaab ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Wasiirka Cadaaladda Sudan xaalada Soomaaliya iyo horumarada ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Wasiir Muungaab ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran ay dowladda ku sameysay Hey’addaha Garsoorka dalka, maadaama uu dalku galay marxalad heer federaal ah, iyadoo Wasaaradda ay ay bilowday sidii Garsoorka dalka la isku xiri lahaa heer Gobol iyo xeer Qaran.
Waxaa uu ka codsaday Wasiirka Cadaaladda Sudan inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Hey’adaha Garsoorka Soomaaliya iyo tababarada shaqaalaha iyo garsoorayaasha, maadaama Sudan ay khibrad u leeyihiin ku dhaqanka nidaamka Federaalka oo muddo sodon sano uu ka jiro deegaanadadooda.
Dhinaca kale Wasiirka Cadaalada Sudan Dr. Cawad Al-Xasan Al-Nuur ayaa sheegay inay Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ay dhan walba ka taageeri doonaan, isagoo balan qaaday in wixii ay uga baahdaan ay shuruud la’aan ugu qaban doonaan.
Sudan ayaa ka mid ah wadamada sida tooska ah u taageera dowladda Soomaaliya, waxaa dalkeeda wax ku barta boqolaal Arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho u fidisay, waxaana Jaamacado ku yaala dalkaas ka soo baxay aqoonyahano Soomaaliyeed oo xilligan dowladda Soomaaliya xilal ka haya.