
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Kristiansand ee Koonfurta dalka Norway, Wiilka iyo haweeneyda oo u dhalatey dalka Norway ayaa dhaawac ahaan lagu geeyey Isbitaalka, halkaas oo ay kui nafbaxeen.
Booliska magaalada Kristiansand ayaa maanta shaaca ka qaadey muuqaalka labada qof. Wiilka ayaa ah 14 sa no jir asalkiisu Soomaali yahay, halka haweeyenda la diley ay ahayd 48 jir u dhalatey dalka Norway oo macalimad ka ahayd iskool gaar loo lee yahay oo lagu magacaabo Wilds Minne, oo ku dhawaa goobta dilku ka dhacay
Wiilka ayaa lagu magacaabaa Yacquub Cabdullaahi Xasan, waxaana uu dhiaganaayey fasalka 9aad iskoolka lagu magacaabo Fiskå, sida ay qortey warbaahinta dalka Norway, waxaa uu la noolaa Hooyadiis iyo Walaaliihiis waxaana ay Norway timid Hooyadiis 1997.
Lama oga sababta dilkooda isu keentey maadaama labada qof ee isku goobta lagu diley aysan lahayn wax xiriir ah.
Qofkii dilka geystey ayaa weli lugtiisu furantahay oo aan la qaban, booliska ayaa wada baaritaan aad u weyn.