Wiil u dhashay dalka Pakistan oo soo saaray cilmi-seynis cusub

Wiil 17 jir ah oo dugsi sare ka dhigta dalka Pakistan, Shaheer Niazi, ayaa noqday qofkii koowaad ee soo saaray cunsur cusub oo ka tirsan korontada, waxaana cilmi baaristiisa lagu soo daabacay majaladda arrimaha seynista lagu faaleeyo ee Royal Society Open Science.

Inkasta oo fikradda muddo badan la yaqiinay, balse waa qofkii koowaad oo suurtogaliya in la sameeyo, islamarkaasna sawiray.

Fikradan oo loo yaqaano “honeycomb’ ama ‘ xabag barsho’ ayaa u muuqaal eg meesha ay shinnida ku keydsato malabka iyo ugxaanta, waxay suurtagashaa marka saliid lagu laro walax danad leh, halkaasina waxaa ka dhasha wax aad u qurux badan oo u eg sidii xabag barshada malabka.

Wiilkan yar ayay u suurtogashay in uu sawiro bikaacadda danadka iyo waliba heerkulka ka dhalanaya, taas oo uusan jirin qof horey u sameeyay.

Danabka loo yaqaano ‘xabag barsho’ ayaa loo siiyay leyli ahaan isaga oo ka qeybgalayay shirweynaha caalamiga ah ee cilmiga fiisikiska ee dalka Ruushka ka dhacay sanadkii hore, halkaas oo markii uu kasoo laabtay uu go’aan ku gaaray in lasoo daabaco cilmi baaristiisa.

 

Hal sano oo kale ayay ku qaadatay in uu naashnaasho wax soo saarkiisa ka hor intii aanan laga aqbalin in lasoo daaboco cilmi baristiisa.

“Cilmi baaristaada waa ilmaha aad dhashay oo kale, dareen farxadeed ayaana ku galaya marka la soo daabaco,” ayuu yiri Mr Niazi oo ku nool magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Markii ay BBC-da ku booqatay gurigiisa waxaa qolka ugu dhex rakiban qalab badan oo koronto, xarko iyo diinimo, waana meesha uu ku sameeyay tijaabooyinkiisa korontada.

Tijaabada wuxuu ku sameeyay irbad yar oo uu dul saaran oogo fidsan, halkaas oo la mariyay waxyar oo saliid ah, falgalka ka dhashayna uu sameeyo ubur iyo illeysyo danabeed oo u samaysma sidii xabag barshada oo kale.

“Waa sidii biriqda oo kale taas oo haleeshay oogada dhulka” ayuu yiri Niazi oo xusay in saliidda ay tahay waxyaabaha aanan danabta gudbin karin, hase yeeshee cadaadiska cunsuryada kale ay dhaliyaan danab. Sidaasna uu ku samaysanto maadadan cusub ee korontada.

Cilmiga cusub waxaa la sheegay in loo isticmaali doono dhanka soo saaridda dawooyinka iyo waliba aalado kale oo casri ah.

 

Dad badan oo da’diisa ah iskuma mashquuliyaan in ay bartaan cilmiga sidan u xeeldheer, balse Shaheer Niazi ayaa go’aansaday in fasalada caadiga ah ay yihiin kuwa lagu cajiso, isaga oo go’aansaday in uu akhriyo buugaag uu aabihiis siiyay.

Xilli hore ayuu bilaabay in uu isaga wax is baro, wuxuuna iska diiwaangaliyay fasalo internetka wax looga barto. Guriga waxaa u yaalla xoqad iyo agab kale oo tijaabooyinkiisa seyniska uu ku sameeyo.

Waa wiil aad u foojigan, maskaxdiisana waxaa markasta ka buuxa weeydiimo, wuxuuna fikrad ka heystaa sidii uu uga raadin lahaa jawaabo.

Wuxuu aad u jecelyahay muusiga iyo farshaxanka, isaga oo qalin rasaaska ku sawiro muuqaalo aad u qurux badan, wuxuuna isaga is baray sida loo garaaco biyaanada.

Ma uusan filanaynin in saxaafadda ay arrimihiisa ogaan doonto, balse hadda wuu ku faraxsanyahay in sharafta dalkiisa uu kor u qaaday.

Waxa uu rajaynayaa in uu gali doono jaamacad sumcad fiican leh si uu horey ugu sii wado cilmi baaristiisa.

Intaas oo kaliya ma ahan, wuxuu xitaa doonayaa in uu ku guuleysto abaalmarinta Nobel-ka.

“Isaac Newton wuxuu ahaa 17 jir markii cilmi baaristiisa la daabacayay, aniga waxaan jirey 16 sano markii la’iga aqbalay in lasoo daaboco cilmi baaristayda,” ayuu yiri.