Wiil uu Adeer u yahay RW. SAACID oo lagu dilay dalka Ciraaq iyo Hanjabaadii uu Horey u jeediyey (Daawo+Warbixin)

Wasaarada Gaashaandhigga dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in wiil uu adeer u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya kana mid ahaa ururka IS lagu diley labo sano kahor dalka Ciraaq.

Sarkaal u hadlay ciidamada Taliska ciidamada Maraykanka ayaa u xaqiijiyay saxaafada in Farah Mohamed Shirdon oo sanadkii 2014 tegey dalka Syria noqdayna afhayeen ururka IS lagu diley bishii July 2015 magaalada Mosul dalka Ciraq.

Faarax Maxamed Shirdon oo ahaa 24-jir reer Calgary ah ayaa soo saaray muuqaal uu ku gubayo baasaboorkiisa wadanka Canada saddex sano ka hor, waxana uu ku hanjabay in weerarayo wadamada reer galbeedka ah waxana uu la baxay magaca ah Abu Usamah as-Somali.

Bishii Aug 2014 ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in lagu diley dalka Syria balse waxa uu Shirdoon beeniyay dhowr bilood kadib markii uu soo dhigay baraha bulshada in uu noolyahay uuna joogo magaalada Raqqa.

Faarax Shirdon ayaa ku dhashay magaalada Toronto dalka Canada kahor inta aysan qoyskiisu u soo guurin Calgary waxana adeerkii Cabdi Faarax Shirdoon uu mar soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.