
Xaaladda magaalada Srinagar, oo ah tan ugu weyn Kashmir qeybta ay ka maamusho India, ayaa kacsan ayadoo ay ciidamo daadsan yihiin inta badan qeybaha magaalada.
Wiil 12 jir ah ayaa u dhintay dhaawac iska hor-imaadka kasoo gaaray Jimcihii shalay ahaa, waxaana geeridiisa ay tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ka dhigeysaa 91 qof.
Ciidanka ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u horjoogsado dad ka qeyb qaadanayay aaska wiilkaasi.
Dhanka kale, waxaa Jimcihii 13-aad aan salaadda Jumcaha lagu tukan masaajidka weyn ee ku yaalla xaafadda Nowhatta ee magaalada Srinagar.
Gobolka Kashmir ayaa u kala qeybsan laba dhinac oo India iyo Pakistan ay kala maamulaan, waxaana labada dal ay sheeganayaan in ay leeyihiin gobolka oo dhan.