
Xaasaska Shabaabka oo lagu amray Todobaad gudihiisa inay uga baxaan Baardheere..
Xaasaska Ragga ka tirsan Ururka Al Shabaab ee ku nool Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa lagu amray inay isaga baxaan Magaaladaasi kadib markii Maamulka uu soo saaray amar la xiriira arintaasi.
Haweenka Shabaab u dhaxa ee ka dhaga adeega amuurtaan ayaa la sheegay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, hadii ay ka bixi waayaan Magaalada.
Sababta ugu weyn ee Maamulka uu amarkaan u soo saaray ayaa lagu sheegay inay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Baardheere.
Sidoo kale Maamulka Degmada Baardheere ayaa ka mamnuucay Magaaladaasi goobaha lagu jaajareeyo Batariyada Moobeelada, Miisaska Bagaashka lagu iibiyo iyo beerista Tubaakada.
Horay Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka masaafuriyay Haween u dhaxa Ururka Al Shabaab.