Xabaal wadareed lagu aasay meydadka boqolaal ruux oo laga helay duleedka magaalada Mosul – SAWIRO

Ciidamada dowlada Ciraaq ayaa sheegay inay heleen boqollaal meyd oo madaxa laga jaray kuwaasoo ku jiray xabaal-wadareed ku taalla magaalo ay ka qabsadeen maalmo ka hor kooxda Daacish.

Xabaashan ayaa laga helay degaanka Hamam Al-Alil oo Koonfurta kaga beegan magaalada Mosul.
Saraakiisha Milateriga Ciraaq waxay sheegeen in xabaashan ay caddaynayso dambiyada arxan la’aanta ah ee ay gashay kooxda Daacish.

Baaritaan dhamaystiran laguma samayn meydadka ku jira xabaashan hase ahaatee degaanada ay joogaan kooxda Daacish waxaa mar walba laga helaa xabaal wadareedyo sidan oo kale ah oo ay ku jiraan dad la xasuuqay.

Dhinaca kale, Ciidamada Ciraaq ayaa weli wada duulaanka ay ku hayaan magaalada Mosul oo ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish, waxayna ciidamada Ciraaq oo dhinaca cirka ay ka taageerayaan dayuuradaha Maraykanka ku sii siqayaan magaaladaas oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq.