Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay soo afjaridda khilaafka Gacanka

 Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay soo afjaridda khilaafka Gacanka

Madaxweyne ErdoganLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweynaha Turkiga oo u ambabaxay dalal ka tirsan Gacanka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in cidna aysan dan ugu jirin inay daba dheeraadaan xasaradaha u dhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ah, isagoo booqasho labo maalmood qaadaneysa ugu ambabaxay gobolka.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu horreyn booqan doona dalalka Sacuudi Carabiya, Kuweyt kaddibna Qadar isagoo isku dayaya inuu xalliyo khilaafkaas.

Bishii June, dalalka Sacuudi Carabiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qadar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada ayna xiriir la leedahay Iiraan.

Qadar ayaase dhankeeda beenisay inay gargaarto urur argagixiso.

Xiisadda QadarLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCunaqabateynta afarta dal ee Carbeed ayaa saameysay duullimaadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Qadar

Cunaqabateyn ay saareen afarta dal, ayaa ku kallifay Qadar oo shidaalka qani ku ah inay cunto ku soo dhoofsato badda iyo cirka si ay u haqabtirto baahida bulshadeeda oo dhan 2.7 milyan.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay cadow uusan magacaabin inay hurinayaan xiisadda walaalaha gobolka.

Turkiga ayaa xarun milatari ku leh gudaha Qadar wuxuuna u arkaa inay tahay saaxiib muhiim ah oo gobolka ka tirsan.