
Teendhooyiin iyo guryo ku yaalla xerada qaxootiga ee Calais ee dalka Faransiiska ayaa la gubay.
Qiiq iyo holac ayaa ka soo baxaya qeybta maamulka dalkaasi ay ka saareen qaxootiga. Guriyihii ku yaallay ayaa sidoo kale la dumiyay.
Waalidiinta caruurtaasi ayaa ka fikiraya badqabka ilmahooda.
Dhismayaal ganacsi oo aad u badan, oo ay ka mid yihiin maqaayado, ayaa la gubay xalay.
Lama garan karo cid gubtay, balse waxaa suuragal ah in qaxootiga careysan ay gubeen ama dad qaxootiga diidan ay ka dambeeyaan.
In kabadan afar kun oo muhaajiriin ah ayaa tan iyo Isniintii laga saaray xeradaasi Calais.
Dadkan badan koodu waxay doonayeen inay dhanka dalka Britain u gudbaan, balse xuduudda ayaa laga xirtay.