
Ururka ugu sareysa kubadda cagta ee FIFA ayaa ku dhawaaqday liiska 23-musharax ee isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan dunida sanadka 2016, iyadoo ay xusid mudan tahay in majaladda France Football Magazine iyo FIFA ay kala guureen, waxaana FIFA ay markaan codeynta u badashay 50% sidoo kalana ay jiri doonto codeyn dadweyne oo ka mid noqon doonta doorashada xiddiga sanadka.
Guud ahaan codeyntii la bixiyay waxey sadexdaas xidig ee ka kala tirsan kooxaha Atleitco, Real Iyo Barcelona heleen 87,84%, balse 20 ciyaartoy ee kale ayaa qeybsaday inta yar ee soo hartay waxaana booska 4-aad soo tiigsaday Gareth Bale oo qarankiisa Wales geeyay Semi finalka Euro 2016,
Alexis Sanchez (5), Modric (6) Iniesta (7) Neymar (8) LIISKA MUSHARAXIINTA: Sergio Agüero (Argentina/Manchester City) Gareth Bale (Wales/Real Madrid) Gianluigi Buffon (Italy/Juventus) Cristiano Ronaldo (Portugal/Real Madrid) Kevin De Bruyne (BelgiumManchester City) Antoine Griezmann (France/Atlético Madrid) Zlatan Ibrahimović (Sweden/Paris Saint-Germain/Manchester United) Andrés Iniesta (Spain/FC Barcelona) N’Golo Kanté (France/Leicester City/Chelsea) Toni Kroos (Germany/Real Madrid) Robert Lewandowski (Poland/FC Bayern Munich) Riyad Mahrez (Algeria/Leicester City) Lionel Messi (Argentina/FC Barcelona) Luka Modrić (Croatia/Real Madrid) Manuel Neuer (Germany/FC Bayern Munich) Neymar (Brazil/FC Barcelona), Mesut Özil (Germany/Arsenal) Dimitri Payet (France/West Ham United) Paul Pogba (France/Juventus/Manchester United) Sergio Ramos (Spain/Real Madrid) Alexis Sánchez (Chile/Arsenal) Luis Suárez (Uruguay/FC Barcelona) Jamie Vardy (England/Leicester City).
Sida ay xaqiijisay FIFA, guuleystaha abaalmarintaan waxaa la bixin doonaa 9-ka January 2017 markaas oo la isugu imaan doono xaflad ka dhici doonta magaalada Zurich ee dalka Switzerland.
Sidoo kalana waxaa la bixin doonaa todoba abaalmarinood oo kale kuwaas oo astaan u ah xafladda la qabto sanadkiiba mar.