
Boqortooyada Sacuudiga oo horey taageero dhaqaale iyo militari u siin jirtay Dowlada Militariga Masar ee Cabdifatax Al Sisi ayaa si weyn uga careysan go’aanka Xukuumada Masar ku taageertay qorshaha Qaramada Midoobay ee xasilinta dagaalka ka socda Siiriya.
Sacuudiga oo taageero xoogleh siiya xoogaga Mucaaridka ee ka dagalamaya Siiriya ayaa kasoo horjeeda in wax wadahadal ah lala galo xukuumada Bashar Al Assad ee Siiriya, balse qaar kamid ah xubnaha Golaha Amaanka ayaa taageeraya in wadahadal loo furo Mucaaridka Siiriya ee hubeysan iyo Dowlada Bashar Al Assad. Dowlada Masar ayaa hada kamid ah 15ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka.
Dagaalka Siiriya, Sacuudiga iyo Qatar
Dagaalka Siiriya ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo qorshe dheer oo ay damacsan yihiin dalalka Khaliijka gaar ahaan Qatar iyo Sacuudiga oo doonayey inay dhuun shidaal iyo gaaska-dabiiciga ah qaada ay mariyaan wadanka Siiriya iyo Turkiga si ay gaaskooda ugu iib geeyaan suuqa weyn ee Midowga Yurub.
Qorshahan oo loo yaqaan QATAR-Turkey Pipline ayaa diyaarintiisa bilowday sanadkii 2000, waxayna sanadkii 2009 ay ugu danbeyn ku heshiiyeen dalalka Sacuudiga, Qatar, Turkiga iyo Jordan (Urdun), in dhuun qaada Gaaska laga sameeyo dalalkaasi balse waxaa ka hortimid dowlada Siiriya ee Bashar al Assad oo horey qorshahan wax uga ogeyd, balse heshiiskan ka baxday kadib markii Bashar Al Assad cadaadis uga yimid dowlada Ruushka.
Qorshaha Ruushka
Ruushka ayaa isagu ah dalka ugu weyn ee Gaaska iyo shidaalka siiya dalal badan oo Yurub ah, dakhliga xukuumada Moscow ayaa 80% ka timaadaa ganacsiga shidaalka iyo gaaska ay ka iibiyaan dalalka Yurub. Ruushka wuxuu u arkaa in qorshaha Qatar iyo Sacuudiga ay dhaawac weyn ku keeni doonto ganacsigooda Tamarta, Gaaska iyo Shidaalka uu siiyo Qaarada Yurub.
Kadib diidmadii Dowlada Bashar Al Assad ee qorshaha Dhuunta gaaska qaada oo ay wateen Qatar iyo Sacuudiga ayey dalalkaasi khaliijka bilaabeen inay hubeeyaan oo dhaqaale baaxadleh siiyaan kooxaha Sunnida ah ee kacdoonka ka bilaabay wadanka Siiriya sanadkii 2011, dagaalkaasi oo hada noqday mid ay si toos ah usoo galeen Ruushka iyo Dowlada IRAN oo iyaduna kasoo horjeeda damaca Qatar iyo Sacuudiga ee ganacsiga Batroolka & Gaaska ku aadan suuqa Midowga Yurub.
Qorshaha IRAN
Dowlada Iran ayaa lafteeda dooneysa inay dhisto dhuun shidaalka ay u marsiiso suuqa dalalka Yurub. Waxayna dooneysaa mustaqbalka inay dhuuntaasi sii marsiiso dalalka Ciraaq iyo Siiriya, waxaana u muhiim ah in wadamadaasi ay kasii taliyaan dowladaha ay Shiicada hogaamiso oo ay dusha ka hagto.
Ruushka oo hada awoodiisa militari dul dhigay Siiriya ayaa doonaya inuu illaalsado suuqiisa Batroolka, gaaska uu siiyo Yurub iyo saldhiyada militari uu ku leeyahay dalka Siiriya, halka dalka IRAN oo taageeraysa shiicada xukunta Siiriya ay iyagu laftooda damacsan yihiin mustaqbalka inay ganacsigooda batroolka ku xirtaan qaarada Yurub ayaa kasoo horjeeda mashruuca Qatar iyo Sacuudiga oo uu loolan hoose oo ganacsi iyo mid diimeed uu ka dhaxeeyo.
Sacuudiga ayaa hada u muuqda inuu doonayo inuu ciqaabo dowlada Masar oo ay horey xulafo u ahaayeen oo si lama filaan ah u taageertay qorshaha ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu hakiyo dagaalka Siiriya.
Bishii April ee sandkan ayey Boqortoooyada Sacuudiga iyo Dowlada Masar ee Cabdifutax Al Sisi ku heshiiyeen in bil walba 700,000 tonnes oo shidaal ah siiyaan Masar, balse bishii Oktoober ee lasoo dhaafay ayey shirkada shidaalka ee Sacuudiga leeyahay ee Aramco joojisay gebi ahaan shidaalkii ay usoo diri jirtay wadanka Masar, waxaana sidan xaqiijiyey Afhayeenka Wasaarada Batroolka Masar Hamdi Abdel-Aziz.