Xiisad ka dhex oogan Mareykanka iyo Indonesia

Carrada ka dhalatay jeneral sare oo ka tirsan milatariga Indonesia oo loo diiday inuu soo galo dalka Mareykanka, ayaa dhaawac gaarsiisay xiriirka labada dal.

Madaxa milatariga Indonesia General Gatot Nurmantyo ayaa sabtidii loo diiday inuu soo koro diyaarad Emirates ah oo ku soo socotay magaalada Washington DC, si uu uga qeyb galo shir ku saabsan ka hor-tagga argagixisada oo uu ku casuumay madaxa taliyayaasha ciidamada Mareykanka General Joseph F. Dunford, Jr.

Safiirka iyo safiir ku xigeenka Mareykanka ee Indonesia ayaa labadaba cudur daar ka bixiyey dhacdadan, hase yeesh dhaawaca diblomaasiyeed ee ka dhashay ayaa u muuqda mid goor horeba saameyn yeeshay

Gatot ayaa diiday inuu ku safro ticket labaad oo dib loogu jaray.

Isla maalinkii xigayba, boorar muujinaya naceyb iyo in laga soo horjeedo Mareykanka ayaa kasoo muuqday waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Wasiirka arrimaha dibedda Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in cudur daarka Mareykanka ay bixiyeen aysan ku filneyn, ayna doonayaan sharaxaad rasmi ah oo laga bixiyo wixii dhacay.