Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo rajo fiican ka muujiyey in la soo afjari doono cabashada reer waqooyigu ka qabaan saami qaynsiga kuraasta aqalka sare ee Soomaaliya

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsan Baarlamaanka Waqtigiisu Dhamaaday  ayaa Sheegay in ay Wada Hadalo ay u Bilowdeen Dowldda Dhexe iyo Siyaasiyiinta ka Soojeeda Deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Wadahadaladaan ayaa  diirada lagu saarayo Xalinta Waxyaabaha ay Doorashooyinka soo Socda ay ka  tabanayaan Bulshada Gobalada Waqooyi.

Xildhibaan Boqore ayaa Rajo ka Muujiyey in la soo afjaro khilaafka ka taagan qaabka loo qeybiyey Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay yeelanayso Dhamaadka Sanadkaan isla-markaana  xal waara laga gaaro Tabashooyinka ay qabaan Qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku baaqay in la dadajiyo Xalinta Gadoodka Siyaasiyiinta Deegaanada waqooyiga Soomaaliya ee ku aadan saami qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare asagoona Xusay in Shir Madasha Wada Tahshiga qaranka lagu soo hadal qaadi doono arimaha waqooyiga Soomaaliya.