Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo maanta aas qaran loo sameeyey iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay – VIDEO

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan Ex Difgeer, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

 

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada Gole, wasiiro, saraakiil ciidan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xubnihii ka soo qeyb galay aaska ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Dr. Beyle iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkan hayay xanuunka dhiig-karka ah, waxaana la seexiyay Isbitaal, waxaa uu ahaa Xildhibaanka kaliya ee ka maqnaa doorashadii Madaxweynaha ee dhacdya arbacadii la soo dhaafay.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii xalay ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, waxaana Madaxweynuhu ku tilmaamay inuu u ahaa nin naftiisa u huray u adeegida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo. AAMIIN” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan baarlamaanka cusub oo geeriyooda, tan iyo markii la soo doortay, bishii November ayaa Xildhibaan lagu doortay Garowe uu xanuun u geeriyooday, todobaad kadib markii la doortay.