Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo.

Kulankan oo uu gogoshiisa dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa ka dhex muuqday Xildhibaan Faarax C/qaadir, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo xubno kale, halka dhanka Culimada ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwo kale.

Xubanaha siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ayaa ugu horeyn cabasho ka keenay hadalo horay uga soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud, kaasoo uu si gaar ah ku beegsaday Xildhibaanada, waxaana ay ka dalbadeen inay u caddeeyana in hadalkaas uu yahay mid Culimada dhan la qabto iyo in kale.

Sidoo kale siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ayaa ka dalbaday Culimada inay qaataan doorkooda dhex dhexaadnimada ee badbaadinta dalka, isla markaana aysan noqon Culimo dhego u leh kaliya dowladda.

Xubnihii culimada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadalada Sheekh Nuur ay ahaayeen kuwo shaqsi ah oo aanay dhamaan Culimada la qabin, balse ay dhankooda tuhun ka qabaan siyaasiyiinta qaar oo dalal shisheeye ay maalgelinayana, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka iyo dalka loo shaqeeyo.

Waxaa kaloo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada u jeediyeen Culimada inay la yimaadaan qodobo cad cad oo ay ku difaacayana dowladda iyo cidii dalka dumineysa, balse aanay noqon Culimo Madaxtooyada laga soo siiyo awaamiirta.

Intaas kaddib ayaa labada dhinac ku balameen kulamo kale, isla markaana uu noqdo kulanka soo socda mid guud oo si fiican loogu gorfeeyo xaaladaha taagan, iyadoo mar kale gogosha ay qaateen Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo ay qeybaha bulshada la qaadanayeen, si ay uga gadaan siyaasadooda, uguna bandhigaan qorshahooda, oo ay meesha uga saaraan shakiga laga qabo iyo fikradaha laga dhaadhiciyay ee ah in dowladda ay dumin rabaan.