(07/08/2016) Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka oo booqanaya Dalka Kenya

Afhayeenka Madaxtooyada Dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha arimaha Dibada ee Dalka Mareykanka uu booqosho ku imaan doono Magaalada Nairobi.

Mr. John Kerry ayaa markii uu yimaado Magaalada Nairobi waxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Kenya, Amina Maxamed.

Madaxda Kenya iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa kulamadooda waxey diirada ku saari doonaan Xaalada Dalalka South Sudan iyo Soomaaliya, sida laga soo xigtay Afhayeenka Madaxtooyada Kenya.

Ugu dambeyn, Xoghaye John Kerry ayaa mar uu booqsho ku yimid Magaalada Nairobi sanadii la soo dhaafay waxuu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya in Xukuumadiisa aysan xirin Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.