Xubin ka mid ah Maamulka Soomaalidiidka, Cabdirahmaan Cirro, oo Gurigiisa lagu weeraray.

Deg Deg:Cabdiraxmaan Cirro Weerar Lagu Qaaday Aqalkiisa iyo khasaaraha Ka Dhashay,

Koox Hubaysan ayaa xalay Weeraray hoyga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

 

Gudoomiyaha kumeel-gaadhka ee xisbig waddani Cabdilqaadir Ismmaaciil jirde ayaa sheegay in koox Dablay Hubaysan ah ay xalay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro. iyagoo Rasaas fara badan roobka uga dhigay guriga kuna dhaawacay askari ilaalo ka ahaa.

 

Cabdilqaadir ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Kooxdaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu kala dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in Kooxdaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.

 

Taliyaha Guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar Nin iyo baabuur, haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda.