Xujaajta oo sanadkana lagu qiyaasayo 1.5 milyan una bilaabmeen axkaamta Xajku – SAWIRO

Dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo ruux oo Muslimiin ah ayaa isugu tagay dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Xujayda ayaa hadda ku sugan magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Gawaraadi ayaa laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira labo kiiloo mitir.

Booliiska ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya aqoonsiyadooda.

In kabadan labo kun oo ruux ayaa ku dhimatay xajkii sanadkii hore kaddib markii ay is buurteen.

Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen Iiraan, Tehraanna waxay Sacuudiga ku eedaysay in ay si xun u maamushay Xaramka waxayna dadkooda u diideen in ay aadaan Xajka sanadkan.

Sacuudigu waxuu Iiraan ku eedeey in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka.

Xujay badan safarka Xaramka wuxuu u yahay khibrad hal mar soo marta noloshooda
Masaajidka barakaysan ee Xaramka
Xajku wuxuu tusaa dadka Muslimiinta ah in ay yihiin walaalo Illaahayna ay u simanyihiin
A Muslim man walk to the mosque to perform Friday prayers outside Masjidil Haram, Islam's holiest site, ahead of Hajj at the Holy City Of Mecca (09 September 2016)
Ujeedooyinka xajka waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dabaqada bulshada ka dhex jirta sida dhaqaalahaUjeedooyinka xajka waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dabaqada bulshada ka dhex jirta sida dhaqaalaha
Sacuudigu wuxuu dhisayaa guryo cusub oo ay ku hoydaan xujaydu inta ay acmaasha gudanayaan.