Xukuumadda Suuriya oo lagu eedeeyey geerida dad rayid ah

Xukuumadda Suuriya oo lagu eedeeyey geerida dad rayid ah

Ciidamada Dawladda ayaa alagu eedeeyey inay dileen 19 qof oo rayid ahLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCiidamada Dawladda ayaa alagu eedeeyey inay dileen 19 qof oo rayid ah

Ugu yaraan 19 qof oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ciidanka xukuumadda Suuriya ku dileen deegaannada ay fallaagadu haysato ee u dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Kooxaha arrimaha Suuriya u ololeeya oo arrintan la socda waxay sheegeen in degmo bariga ku taalla oo la yiraahdo Ghouta lagu weeraray dayaarado iyo madaafiic.

Deegaankaas oo fallaagadu haysato ayaa muddo sanooyin ah hareereysnaa.

Laakinse ciidanka dawladda ayaa muddooyinka dambe duullaanno ku soo qaadayey, ayadoo xaaladda halkaa ka jirtana aad looga dayriyey.

Warbixin todobaadkii hore la soo saaray ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in cunnadu ay aad gabaabsi u tahay, dadka qaarkoodna ay cuneen calafka xoolaha iyo xataa qashin.

Afar qof ayaa la soo wariyey inay gaajo u dhinteen.