Xuska 29 aad Ee Maalinka Kahortag a Iyo Xakamaynta HIV/AIDS

Xuska 29 aad Ee Maalinka Kahortaga Iyo Xakamaynta HIV/AIDS

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 1da December 2016. Munaasabada xuska 29aad ee maalinka kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS oo halku dhag looga dhigay ‘’aan si wadajir ah uga hortagno cudurka HIV-AIDS’’ayaa saaka si heer sare ah loogu xusay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

XafLadan lagu xusayay maalinka kahortaga iyo xakaymaynta HIV/AIDS oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiinta heer degaan, agaasimayaasha xafiisyada , culimo awdiinka, odayaal-dhaqameed, ciidamada qaranka , ciidamada kaladuwan ee deegaanka, qaarkamid ah ardayda dugsiyada iyo waliba martisharaf kale ayaa waxaa ugu horayn furitaankii xaflada kahadlay Wasiirka Xafiiska horumarinta Biyaha iyo khayraadka dabiiciga DDSI ahna Madaxa Xarunta Dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegtay in maanta ay tahay maalinta xuska kahortaga iyo xakamaynta HIV AIDS, iyadoo maantana ay atahay maalin heer caalam loo asteeyay kohortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS.

Waxayna xusatay wasiiradu in cudurkani uu yahay cudur dilaa ah oo aan daawo lahayn, muhiimna ay tahay in la iska ilaaliyo siyaabaha uu kuyimaado islamarkaana aan siwada jir ah uga hortagno.

Sidookale, waxaa iyadna dhankeeda kahadashay Wasiirka Xafiiska Kahortaga Iyo Xakamaynta cudurka HIV-AIDS marwo Kaamila Axmednuur oo sheegatay in maanta oo ku began 1-12-2016 ay tahay maalinka kahortaga iyo xakamaynta HIV-AIDS islamarkaana xuskani uu yahay xuskii 29aad ee laga xuso dalka iyo deegaankaba hal kudhagna looga dhigay aan si wada jir ah uga hortagno cudurka HIV-AIDS.

Wasiirada oo hadlakeeda sii wadata ayaa tilmaantay in cudurkan dilaaga ahi ay keento sababo dhawr ah oo ay kow katahay galmada xaaranta ah.

Dhankakale, qaarkamid ah odayaasha deegaanka ayaa si qodo dheer uga hadlay cudrka iyagoo sheegay in la iska dhawro galmada xaaraanta ah maadaama oo aakhiro iyo aduunba saamayn xun kugu yeelanayso.

ugudanbayna xuskan oo lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado wacyigalin ah oo katurjumaya khatarta cudurka islamarkaana kasooqaybgalaayshu aad ula dhaceen ayaa waxaa gunaanadkii laislaaqatay in siwada jir ah looga hortago cudurka. Waxayna xafladu kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay.