Madal ay ku mideysan yihiin 88 Xildhibaan oo looga dhawaaqay Nairobi

Madal ay ku mideysan yihiin 88 Xildhibaan oo looga dhawaaqay Nairobi

by A M | Sunday, May 14, 2017 

May 14 (Jowhar)— Madal ay ku mideysan yihiin 88 Xildhibaan ayaa looga dhawaaqay magaalada Nairobi, kaddib shirar maalmahan halkaas uga socday Xildhibaano ku dhow boqol, waxaa Madashan Guddoomiye loogu doortay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Madashan oo loogu magac daray Horusocod ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd oo ay ku midoobaan Xildhibaano boqol ku dhow, kuwaasoo maalmahan kulamo siyaasadeed iyo olole ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ka waday Nairobi.

Guddoomiyaha KMG ah ee Madashan C/rashiid Xidig ayaa loo arkaa inuu yahay nin galaangal iyo saameyn ku leh Baarlamaanka gudihiisa, isagoo ahaa ninkii Jawaari kula tartamay xilka Guddoonka Baarlamaanka doorashadii bishii Janaayo, inkastoo wareega horeba looga guuleystay.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madashan ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in maalmaha soo socda la soo dhameystiri doono xubnaha Hoggaanka Madashan, oo noqon doona kuwo leh Gole Fulin iyo Gole dhexe, iyadoo maanta kaliya la doortay Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Qorshaha Madashan ayaa sidoo kale ah inay u xuubsiibtaan xisbi mucaarada ah oo noqon doona kuwo aqlabiyad ku leh Golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in mucaarado adag kaga soo fool leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo xilligan doonaya in xaalad ka duwan tii hore inay ku wajahnaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo qeybaheeda kala duwan.

Inkastoo Baarlamaanka Federaalka uu fasax ku maqan yahay, hadana waxaa la filayaa Bisha July inuu furmo kalfadhiga 2aad, waxaana dad badan ay qiyaasayaan in siyaasada oo xilligan  degenaan laga dareemayo, in mar qudha ay siyaasadu kacdo.