(08/08/2016) Dekeda Muqdisho Oo Maalintii labaad U Xidhan Khilaaf ka Dhex Qarxay Ganacsatada iyo Shirkad Turki ah

Muqdisho Awdalmedia.com Waxaa maalintii labaad xiran Dekedda Magaalada Muqdisho, kadib markii muran dhinac maaliyadda soo dhex galay Shirkad laga leeyahay dalka Turkig oo lagu magacaabo PGM iyo ganacsatada alaabaha kala duwan kala soo degta dekedda.

Muranka ayaa yimid markii shirkadda PGM ee la socodka tayeynta iyo raashinka ka soo dega dekedda ku soo rogtay ganacsatada u raran maraakiibta inay bixiyaan halkii markab boqol kun oo Dollarka Mareykanka isla markaana halkii Kunteenar lagu cashuuri doono 70 Dollar.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho muddo labo maalmood ah wax ka soo degay dekedda ama wax laga dhoofiyay midna ma jirto, waxaana taagan is mari waaga ku saabsan lacagaha tirada badan ee shirkadda soo rogtay.

Ganacsatada waxay leeyihiin lacagtaas tirada badan waxaa kaloo sii dheer lacagaha wasaaradda Maaliyadda ee cashuura dalka, intaas marka la isku daro ma awoodaan inay lacago tiro badan bixiyaan.

Is mariga waaga u dhaxeeya Ganacstada iyo Shirkadda PGM ayaa la gaarsiiyay Madaxda dowladda, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen dhibaatada ka taagan Dekeda Muqdisho.

Mid ka mid ah maraakiibtii ku xirneyd Dekeda ayaa la sheegay in maanta u shiraacday Dekeda Kismaayo, waxaana Ganacsatada u raran maraakiibta taagan Dekeda ay ku goodiyeen in maraakiibtooda u weecinayaan dekedaha kale hadii

Dekeda Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn dowladda Soomaaliya ayaa waxaa labo sano ka hor lagu wareejiyay Shirkada Albeyrak oo laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana shirkadaas ay shaqada ka ceyrisay kumanaan shaqaale xoogsato ahaa oo ka shaqeynayay Dekeda.