(10/08/2016) Cali Khaliif oo ka Hadlay Go’aanadii Madasha Qaran ay gobolada Sool Sanaag iyo Buuhoodle lagu hoosgeyey maamulka Puntland (Dhegeysi)

Kulankii madasha wadatashiga Qaran ee shaley lagu soo gabgabeeyey magaalada Muqdisho ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay hoos tagaan maamulka Puntland.

Sidoo kalena Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo todobaadkii hore la Hadley VOA ayaa sheegey in aysan jirin wax la yiraahdo mamaulka Khaatumo oo shirka looga hadley, goboladaasna ay ka mid yihiin beelihi ku heshiiyey dhismaha maamulka Puntland sanadkii 1998

Hadaba Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaan khadka telfoonka kula xiriirney.

Ugu Horeyna Falastin Axmed Iiman ayaa weydiisey sida uu u arko qodobada lagu heshiiyey kulankii Madasha wadatashiga Qaran ee shaley Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.