(11/08/2016) Kulan looga arrinsanayay xaqiijinta saamiga dumarku ku leeyihiin doorashada oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha u dhaq-dhaqaaqa dumarka iyo AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaqiijinta saamiga dumarka ee doorashada soo socota.

 

Dumarka ayaa loo qoondeeyay kuraasta boqolkiiba soddon (30%), waxaana xubnihii ay la shireen maanta ku raaceen ka miradhalinta arrintaasi.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay ku-xigeenka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Lydia Wanyoto, wasiiadda haweenka Soomaaliya Sahra Mohamed Ali Samatar iyo xubno kale.