(12/08/2016) Xaad “Waxaa cadaatay in Nimanka dowlad goboleedyada ka taliya inay dagaal kula jiraan Xamar”

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ku eedeeyay in qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka ay dagaal kula jiraan dadka degan Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha uu yahay mid dadka la iska horkeenayo.

Xaad ayaa sheegay in Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran aanay aheyn kuwo xal-doon ah, isla markaana aanay rabin in dalka wax u dhismo, isagoo xusay inay qaadi doonaan mas’uuliyada wixii ka dhalata iska hor-keena dadka Soomaaliyeed.

“Fariin fiican ayay tuseen dadka reer Banaadir ama Xamar dega, waxooda xal doon iyo inuu wax dhismo ma aheyn ee dagaal ayay aheyd, waa garan gartaa qolo xuquuqdooda inta heshay ayaa mar labaad loogu daray iyo mar saddexaad loogu daray, marka dadna waaa loo diiday inta ay lahaayeen oo matalaad aqalka sare, qolana gacanta saddexaad  ayay marayaan, waa wax la isaga hor-keenayo dadka Soomaaliyeed oo la rabo inaan wax dhismin oo wax la dumiyo la rabo”ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Gobolka Banaadir aanu wax matalaad ah ku yeelan Aqalka sare, taasna waxaa uu ku sababeeyay in dadka dega deegaanada aanay ku mintididin go’aankooda, si cadna aanay uga soo hor-jeesan.

“Nimanka ka taliya Dowlad goboleedyada waxay dadka reer Banaadir tuseen inay dagaal kula jiraan, mida labaad dadka xamar dega ee la qadiyay ayagana ma mintidin, mana muujin waxa la gudboonaa, dadka reer Banaadir waxay qabeen rajo ah in Soomaalinimo wax lagu qeybin doono, laakiin ma dhicin, waxaana u cadaatay in Madaxda dowlad goboleedyada in aysan Soomaalinimo wax ku qeybin oo Xamar iyo dadka dega dagaal kula jiraan.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hor-taagnaa in Gobolka Banaadir matalaad ka helo aqalka sare, inkastoo shirkii Baydhabo labo xubnood kaliya laga siiyay Aqalka sare beelaha Banaadiriga.

Go’aamadii ka soo baxay shirarkii Madasha ayaa ahaa kuwo dhaliyay iska-horkeen iyo khilaaf, waxaana go’aanada qaar ee Madasha loo arkayay kuwo ay isugu daneynayaan Hoggaamiyeyaasha.