
3 ruux ayaa geeriyootay kadib markii maanta qarax uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi kaamil Macallin Shukri ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda SONNA in 2 qof ee dhintay ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed halka qof kale uu ahaa Askari ka tirsan Booliska.
Afhayeenku waxa yiri“Waxaa dhacay qarax aan u malaynayno in uu yahay miino oo ka dhacay suuqa bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawda, wararka aan helnay waxaa ku dhintay gabar iyo hooyadeed iyo ninkaa askariga ahaa,”