Ahlusunna Waljamaaca oo Shuruudo hor leh soo bandhigtay oo ku aadan Wadahallada ay la galeyso maamulka Galmudug

Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho uu u xaqiijuyay Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug Ahlusunna Waljamaaca ayaa Shuruudo hor leh ku xiray in ay la fariistaan Galmudug.

Xildhibaan Bile Salaad Diini ayaa shaaca ka qaaday in Ahlusunna Waljamaaca ay soo bandhigeen Shuruudo ay ka mid yihiin in maamul ahaan iyaga lagu soo biro, islamarkaana Xildhibaanada tiradooda laga dhigo 90 Mudane oo 60 ka mid ah ay dhankooda ka imaanayaan.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa weli dadaal ugu jirta in ay isi soo hor fariisiso Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Hase ahaatee waxaa soo ifbaxaya  caqabado waaweyn oo ku hor gudban qabsoomidda shirkaas si Heshiis ay u wada gaaraan Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.