
Maamulada Puntland , Galmudug iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska Musharixiinta u taagan in ay kamid noqdaan Xubnaha Aqalka sare oo dhawaan la filayo in siyaabo kala duwan loogu doorto xarumaha maamulada dalka ka jira.
Musharixiinta Aqalka sare waxaa ku jira xubno Siyaasiyiin caan ah oo dalka xilal kala duwan kasoo qabtay iyo kuwa hada xil haya, waxaana jira sidoo kale Musharixiinta wajiyo cusub ah oon sidaa Siyaasada looga dhax aqoonin.
Waxaa jira marka la eego Xubno Siyaasiyiin ah oo si weyn loo saadaalinayo in ay tartanka ku guuleesan karaan kana mid noqon doonaan Xubnaha kamid noqonaya Aqalka sare oo ka kooban 54-xubnood.
Xubnaha Siyaasiyiinta Caanka ah ee la saadaalinayo in dhinaca Puntland kasoo gali karaan aqalka sare waxaa kamid ah
1-Cumar Cabdirashii Cali Sharmaarke
2-Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
3-Cabdirisaaq Cismaan Jurile
4-Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)
Afartan siyaasi oo ah kuwa si weyn looga yaqaan dalka ayaa la saadaalinayaa in ay kamid noqon doonaan xubnaha kamid noqonaya Aqalka sare kana soo galaya dhinaca Maamulka Puntland, waxaa sidoo kale jira musharixiin kale oo dhinaca Puntland kasoo gali doona Aqalka sare
Xubnaha la Saadaalinayo in Dhinaca Galmudug kasoo gali doonaan Aqalka Sare
1-Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
2- Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer
3-Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
4- Cabdisamad Macallin Maxamuud
5-Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
6-Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
Dhinaca Maamulka Jubbaland ayey adag tahay in si fiican loo saadaaliyo xubnaha ku matali doona Aqalka sare, waxaana liiska Musharixiinta u matalaya Jubbaland Aqalka sare ay u badan yihiin xubno aan sidaa Siyaasada loogu aqoonin.
Waxaana Xubnaha Jubbaland laga saadalainayo in ay ka mid noqdaan Aqalka sare kamid ah
1-C/Laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
2-Iftin Xasan Iimaan
3-Cabdi Barre Ibraahim
Dhinaca kale Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hirshabelle iyo dhinaca Somailand xubnaha u matalaya Aqalka sare ayaan wali lasoo gudbin , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan iyana lasoo gudbin doono.
Musharixiinta maamulada harsan u matali doona Aqalka sare ayaa waxaa kamid noqonaya kuwa caan ah oo si weyn looga yaqaan Siyaasada ayna ku jiraan Hogaamiyaal kamid ahaa kuwii kooxaha ee dalka soo maray.