Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaan ka tirsan Gobolka Bakool

Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaan ka tirsan Gobolka Bakool

by A M Sunday, Oct 1, 2017 

October 01 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Teed oo qiyaastii 30KM u jira degmada Xudur.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo muddo socday ay Al-Shabaab ugu suura gashay inay la wareegaan deegaanka.

Isgaarsiinta deegaanka iyo kuwa ku dhow dhow ayaa go’an, waxaana la sheegayaa in gurmad ciidan laga diray degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin koofurta Soomaaliya, iyadoo bishii la soo dhaafay weeraray illaa afar saldhig oo ku kala yaala Gedo, Jubadda Hoose iyo Shabeellaha Hoose.