Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi oo geeriyooday

Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi ayaa la shaaciyay  in uu ku dhintay magaalada caasimadda ah  ee Doxa oo xarun u ah dalkaasi.

Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Tani ayaa maalinimadii  shalay ku geeriyooday  mgaalada Doxa waxaana  Wakaaladda Wararka ee Qadar ay soo warisay in marxuumkaasi  uu ku dhintay da’da 84-sano  jir.

Maamulka Qasriga boqortooyada dalka Qadar ayaa shaaciyay in marxuumkaasi loo sameyn doono aas qaran,isla markaana muddo 3-cisho ah dalka ay ka dhacayaan baroor-diiq.

Amiirka geeriyooday ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi Al-Tani ayaa xukunka daalkaasi qabtay Sanadkii 1972-dii , sanad kadib markii dalkaasi ka xoroobay gumeysigii Ingiriiska,.

Amiirka hadda ka taliiya dalkaasi Tamiim  bin Xamdi Al Tani oo isna xukunka dalkaasi la wareegay 2013kii waxaa  dhalay Amiirka geeriyooday