Amnesty International oo cadeyn cusub u heshay in tuulooyin Rohingya ay gubeen ciidamada Myanmar.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegeysa inay cadeymo u heyso in ciidammada ammaanka Burma ay ku gubeen tobanaan tuulooyinka muslimiinta Rohingya ah gudaha Myanmar.

Hay’adda ayaa ku boorisay dowladdu Burma inay furto gobolka Rakhine si ay u gaaraan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan.

Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ballaaran oo u muuqda inuu yahay ol-ole cad oo isir sifeyn ah.

Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo lagu qaaday mobil-ke gacanta iyo hadalad aay sheegayaan dadka waliku sugan Myanmar ayaa muujiyay arrintaan.

Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidammada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiinta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guu ahaan.

Ciidammada ayaa sheegay in ol-olahooda uu ku dhan yahay maleeshiyaadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka.