Antonio Guterres oo ka digay xaaladda Rohingya

Antonio Guterres oo ka digay xaaladda Rohingya

Antonio Guterres
Image captionAntonio Guterres ayaa sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in colaadda ka taagan dalka Myanmar ay dhalisay xaalad qaaxooti oo degdeg ah iyo tacaddiyo ballaaran oo xuquuqda aadanaha ah.

Mar uu la hadlayay Golaha Ammaanka, ayaa waxa uu ugu baaqay xukuumadda Myanmar inay joojiso howlgalka milateri ee dhaliyay in nus milyan qof oo ah Muslimiinta Rohingya ay bishii lasoo dhaafay dalkaasi ka barakacaan.

Waxa uu sheegay in xaalado laga argagaxo ay ka warrameen dadka ka qaxay colaadda Myanmar.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay xukuumadda dalkaasi inay hay’adaha gargaarka u ogolaato gobolka Rakhine oo ah halka ay mushkiladda ka taagan tahay.

Dhanka kale, baaritaan ay BBC samaysay ayaa su’aal geliyay qaabka ay Qaramada Midoobay ula tacaashay dhibaatada haysata Muslimiinta Rohingya.

Dukumiintiyo la dusiyay ayaa muujinaya in sanadihii ka horreeyay inta aanay xiisaddan soo shaac bixin, ay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u jooga Myanmar horjoogsan jireen cid kasta oo ka hadasha dhibaatada qowmiyadda Rohingya ay kala kulanto dowladda Myanmar.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa kula taliyay ururada xuquuqda aadanaha in aanay booqan deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa Qaramada Midoobay u fadhiya Myanmar ayaa lagu sheegay in arintaasi aanay jirin, isla markaana ay mudnaanta koobaad siiyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha.