Askar ka tirsan ciidanka Masar oo lagu diley gacanka Siinaay

Rag hubeysan ayaa shan qof oo boolis ah ku diley gacanka Siinaay ee dalka Masar, sidaas waxaa sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar.

Kooxda dilka geystey ayaa istaajiyey gaari ay la socdeen Boolisku, waxaana ay ku khasbeen in ay soo degaan kadibna rasaas ayey la dhaceen, gaariga waxaa la socdey shan qof oo ka tirsan ciidanka Booliska kuwaas oo dhamaantood la diley, wararka qaar ayaa sheegaya in Booliska la diley ay gaarayeen lix qof.

Dhacdo kale oo tan lamid ah ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacdey magaalada Rafah, waxaana lagu dhaawacay 9 ka tirsan ciidanka Booliska, kadib markii miino dhulka lagu aasey lala eegtey gaari ay la socdeen.

Gacanka Siinaay waxaa awood iyo joogitaan kuleh Malayshiyaad taageersan oo sheegtey in ay ka tirsan yihiin Daacish.