Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo xukun dil ah lagu riday – SAWIRO

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa saakay xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidanka daraawiishta ee dowlad-goboleedka Kaapnfur Galbeed, kaasoo nin shacab ah ku dilay magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagaa magacaabaa Cali Boorow Maxamed, wuxuuna falkan dilka ah u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasimo Caddow Xaaji Keyrow 10-10-2016, isagoo laba carruur ah uu dhalayna uu dhaawacay.

Xukunka oo ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku dhawaaqay G/le Aadan Abuukar Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad.

Xukunka maanta dhacay ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada Marxuumka iyo Maamulka Koonfur-galbeed, taasoo ah sii xoojineysa sharciga iyo kala dambeynta.

vlcsnap-2016-11-08-10h59m42s854

vlcsnap-2016-11-08-11h00m02s880

vlcsnap-2016-11-08-11h00m23s519

vlcsnap-2016-11-08-11h00m46s349