(August 14,2016) 4-kamid ah Saraakiisha Liyuu Booliska ee DDSI oo loo dalacsiiyay Gaashaanle dhaxe (Sawiro)

Sidaad warkayagii hore kula-socoteen waxaa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kabilaabtay munaasabad lagu maamuusayo guushii ciidamada gaarka ah ee liyuu-boolisku ay kusoo afjareen ururadii argagixisada ahaa ee UBBO iyo wixii lahalmaala.

2Munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn lagu furay Garaad Kulmiye Garaad MaxamedGaraad Xirsi oo sheegay in munaasabadani tahay mid lagu maamuusayo dhamaan guulihii isdabajooga ahaa ee ay ciidamada gaarka ah ee liyuu-boolisku ka soo hoyiyeen ururadii argagixisada ahaa ee UBBO iyo wixii lahalmaala islamarkaana munaasabadani ay tahay munaasabada gunaanadkii iyo soo afjaridii dhamaan ururadii nabadiidka ahaa. Wuxuuna  intaa kudaray in ciidamada deegaanku ay soo afjareen cadawgii nabada iyo horumarka shacabwaynaha deegaanka balse ay u hadhan tahay inay kaguulaystaan cadawgeena koobaad oo ah saboolnimada isagoo kula dardaarmay inay si laxaad leh uga qaybqaataan dhanka horumarka siday horayba uga qayb qaadanayeen islamarkaana uduceeyay ugana mahad celiyay waxqabadka iyo guulihii ay ka keeneen dhanka nabadgalyada iyo horumarkaba.

kdnn5kadibna, jeneraalka  Guud ee ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska General C/raxmaan Cabdulaahi Buraale oo kahadlay madasha ayaa ka warbixiyay sooyaalkii taariikheed ee ciidanka liyuu-booliska iyo kaalmihii ay kaqaateen nabadgalyada iyo horumarka uu deegaanku ku talaabsaday isagoo gaar ahaan xusay guulihii isdabjooga ahaa ee ay kusoo gunaanadeen dhaq-dhaqaaqyadii ururada argagixisada ah. Generaalka ayaana balanqaaday inuu ciidanka gaarka ahi siiwadayo kashaqaynta nabadgalyada iyo horumarka iyagoo ah kabihii shacabka.

24Sidoo kale,  Generalka guud ee ciidamada Difaaca qaranka qaybta koonfur Bari General Abraham wolde-mariamayaa munaasabada kasoo jeediyay hadalo muhiim ah oo taabanayay aasaaskii ciidanka liyuu-booliska iyo isbadaladii ay kakeeneen dhinacyada nabadgalyada iyo horumarka. Wuxuuna xusayin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar tan iyo xiliguu hogaanka ahaa in uu yahay macalin wax laga barto isagoo ciidankana kula dardaarmay inay halkaas kasiiwadaan guulaha iyo waxqabadka ay usoo hoyiyeen deegaanka islamarkaana xaqiijiyay in guulo wax ku’ool ah ay kakeeneen nabadgalyada iyo horumarka labadaba isagoo deegaankeena ku amaanay ka madhnaanshaha fikirada cidhiidhyan iyo carqaladihii kadhacay Oromiya iyo Amhara.

Kadibna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo jeneraalka ciidanka gaarka ah jeneral Cabdiraxmaan Cabdulaahi ayaa abaal-marin dalacsiin ah uxidhay 4 kamid ah saraakiisha ciidanka liyuu booliska oo ay kamid ahaayeen: gaashaanle dhexe Deeq Muxumed Muuse, gaashaanle dhexe  Cabdi Maxamed Muxumed,  gaashaanle dhexe Bashiir Guhaad Xasan iyo gaashaanle dhexe Mustafe Muxumed Cabdi oo loo dalacsiiyay gaashaanleyaal sare iyadoo abaalmarintu aysan intan kukoobnayn ee wakhtiga oo gaaban darteed xubnahan lasoo horumariyay.

Hadaba, madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi MaxamuudCumar oo khudbad dhaxal gal ah kasoojeediyay munaasabada ayaa xusay in ciidamada gaarka ah ee liyuu boolisku ay sifiican uga runsheegeen dhaartii ay ugaleen dadkooda iyo deegaankooda. Wuxuuna shaaca kaqaaday in Totally habayaratee aysan maanta deegaanka ka jirin wax UBBO layidhaahdo iyadoo kasoo qaybgalayaashuna ay ka marag kaceen. Madaxwaynaha ayaana ku qeexay erayga ciidan inuu yahay miciin iyo waxtar sidaadarteed, ay ciidanka gaarka ahi miciin u noqdeen ilmadii shacabka. Wuxuuna kula dardaaramay ciidanka in ay sidii horeba u ilaaliyaan saraynta sharciga iyo xuquuqaha dastuuriga ah. Madaxwayanaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in aanaan marnaba yeelaynin kacdoonka ay dadka fikirada xununxuni kawadaan deegaanka amhara iyo oromada ee ay ku rabaan inay soo celiyaan xukunkii dhergiga.

ugaasUgudanbayna, waxaan meesha kamadhnayn kooxihii fanka iyo suugaanta oo si wayn udaadihinayay bandhiga madadaalada ee munaasabada.

cakaaranews.com