(August 14,2016) Fidel Castro oo u dabaaldegay 90 sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadiisii

Hogaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa u mahadceliyay shacabka dalkiisa halka uu eedeeyn u soo jeediyay madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama warqad dheer oo uu soo qoray.

Qoraalkan oo saxaafada loogu talogalay ayaa laga aqriyay taleefishinka dalka cuba waxana ereyadii ku qornaa ay u badnaayeen qaar uu ugu mahadcelinayay shacabka dalkiisa.

“Dawooyinka cilmiga casriga ah ayaa ii oggolaaday in aan adduunka sii joogo,”ayaa ka mid ahaa ereyadii uu qoraalkiisa ku cadeeyay Castro oo hogaanka dalkiisa u gacan geliyay walaalkii kayar muddo haatan toban sano laga joogo sababo la xiriira caafimaadkiisa oo xumaaday awgii.

Si kasta ha ahaatee Castro ayaa ka soo muuqday taleefishinka isagoo ku sugan xarunta Havana ee loo yaqaan tiyaatarka Karl Marx, waxana uu ku fadhiyay kursiga dadka curyaamiinta ah ay ku fariistaan kaas oo qalab casri ah ay ku xirnaayeen.

Xaflad kooban oo loo sameeyay dhalashadiisii 90aad ayaa waxaa dhinac fadhiyay walaalkii ka yar oo ah madaxweynaha Cuba Raul Castro iyo madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo saraakiisha ugu sareysa Milatariga dalka Cuba.

Castro ayaa dhamaadka qoraalkiisa waxa uu eedeyn ballaaran dusha ugaga tuuray madaxweynaha dalka Maraykanka Obama, waxana uu Castro uu ka careysnaa booqashadii uu ku tegey madaxweynaha Maraykanka Obama dalka Cuba,kaasoo uu ugu baaqay dadka Cuba inay ka fekeraan mustaqbalkooda.

Qoraalka uu qoray sabtidii ayuu ku sheegay in Obama ay ahayd in uu cududaar ka bixiyay dadkii ku dhintey bamkii lagu ridey magaalada Hiroshima kadib markii uu bishii May booqday magaaladaas.

Dabaaldega loo sameeyay xalay madaxweynihii hore ee Cuba Castro ayaa aad looga soo koobay sidii ay hore u ahaan jirtay.Castro ayaa markii ugu dambeeysay ee meel fagaare ah lagu arko waxa ay ahayd bishii April ee sanadkan isagoo soo xirey markii labaad muddo toban sano ah shirweynaha xisbiga shuuciga waxana uu ugu baaqay shacabka Cuba in ay isku duubnaadaan oo ay aaminaan fikradaha shuucinimada, halka ay dowlada Cuba ay ku jirto inay caadi ka dhigto xiriirka ay la leedahay dalka Maraykanka.