(August 14,2016) Kooxda Boko Xaraam oo soo saartay muuqaal ay ku sheegayaan inuu yahay gabdhihii iskuuleyda ee Chibok (Video)

Kooxda Boko Xaraam ee Nigeria, ayaa soo saartay muuqaal ay ku sheegayaan inuu yahay gabdhihii iskuuleyda ee laga afduubtay magaalada waqooyiga ku taal ee Chibok in ka badan labo sano ka hor.

Muuqaalka, ayaa lagu arkay nin wajiga u xiran yahay oo hubeysan gadaalna ay ka taagan yihiin haween tiradoodu lagu qiyaasay ilaa konton. Dhowr ka mid ah haweenkaas, ayaa u muuqday kuwa ilmada iska tirtiraya. Waxayna mid ka mid ah haysay cunug yar.

Horaantii sanadkan ayey u suurogashay inay soo baxsadaan koox ka mid ah labada boqol iyo sagaashanka gabdhood ay Boko Xaraam afduubatay bishii May sanadkii 2014kii.

 Waxa ay ku sugan yihiin gabdhaha kale ayaan la ogeyn.
https://youtu.be/EuEy0nuSQt4