(August 15,2016) Cali Waran Cadde oo iska diiday in uu qabto xilkii loo magacaabay ee ahaa in uu Wakiil maamulka Hargeysa uga noqdo dalka Itoobiya.

Wasiirkii Arimaha gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistii xalay lagu sameeyay, waxa uuna iska diiday in uu qabto xilkii loo magacaabay ee ahaa in uu Wakiil maamulka Hargeysa uga noqdo dalka Itoobiya.

Cali Waran Cadde ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu qabta xilka uu u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, waxa uuna tilmaamay in xilkaasi loo magacaabay uusan u qalmin horeyna usoo qabtay xilal ka waa weyn sida Wasiirnimo.

”Waan soo dhaweenayaa in xilka laga iga qaado waxaana doonayaa in aan usii shaqeeyo umadeeda, waxaana u arkaa xilka la ii magacaabay mid Mu’amarad ah oo lagu doonayo in dalkayga la iiga musaafuriyo” Ayuu yiri Cali Waran Cadde.

Waxa uu si cad u diiday Cali Waran Cadde in uu Wakiil uga noqdo Somaliland dalka Itoobiya, waxa uuna intaa raaciyay in uusan manaba dooneyn in uu tago Itoobiya uuna Wakiil uga noqdo Maamulka Somaliland uu horey uga tirsanaa.