(August 15,2016) Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Kulan Layeeshay Qurbajoogta Gaashaamo

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan Hogaan kuxigeenka xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak iyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Koore ayaa galinkii danbe ee maanta hoolka shirarka muhiimka ah ee xarunta madaxtooyada kulan kulayeeshay qurbajoog kakala timid dacalada dunida oo kasoo jeeda degmada gaashaamo.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furay kulankan ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qurbjoogta isagoo uga warbixiyay xaaladaha kaladuwan ee uu dalkeena itoobiya soo maray iyo kaalmihii waxqabad la,aanta ahaa ee khaasatan deegaankeena haysatay xiliyadii dawladihii hore. Kuwaas oo ay siyaasadoodu kusalaysnayd boqortooyo iyo kalitalisnimo oo ku caan-baxay cadaadis.

Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay siyaabaha uu kuyimid isbadalka laxaadka leh ee itoobiyada cusub kaas oo kudhisan dimoqraadiyad, sinaan, cadaalad, nabadgalyo iyo horumar. Madaxwaynaha ayaana intaa ku daray sooyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray oo run ahaantii kuqotamay siyaasad isjiid-jiidad iyo qabiil kusalaysnayd taas oo bilawgii itoobiyada cusub aan nabadgalyo iyo horumar toona looga faaiidaysanin iyo inay abuurmeen ururo nabad-diid ah sida ubbo, al-itaxaad iyo wixii lahalmaala oo caqabad kunoqday nolosha, horumarka iyo jiritaanka shacabwaynaha deegaanka.

Kadibna, wuxuu madaxwaynuhu xusay siyaabihii keentay isbadalka balaadhan ee dhinacyada nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka iyo waliba aasaaskii ciidanka liyuu booliska ah iyo isbadalka ay keeneen. Kuwaas oo dhidibada u aasay nabadgalyada islamarkaana taabagaliyay horumarka deegaanka iyo inay xaaraan tahay in qabiil lagu tilmaamo. Madaxwayne CMC ayaana xusay sidii ay udhacday xaaladii gaashaamo iyo sida loo buun-buuniyay.

Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay inuu kaxunyahay dhacdadaas oonay islamarkiiba xukuumada DDSI samaysay qorshayaal xaqiijin ah iyo qiimayn lagu dabagalay sidii ay wax udheceen. Kuwaas oo cadeeyay in ciidanka jid gooyo lagu sameeyay kadibna xabad ooda lagaga qaaday.

Si kasataba ha ahaatee, qurbajoogta ayaa hadalada madaxwaynaha kutilmaamay inay xaqiiqo yihiin. Kadibna, maadaama oo uu wakhtigu gaabnaa ayaa loo balamay in bari halkaa laga sii wado shirka.

CAKAARANEWS.COM