(August 16,2016) Obama oo ku booqday gabadhiisa maqaayada ay ka shaqeyso, isagoo caawiyay

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa booqday maqaayada ay ka shaqeyso gabadhiisa yar ee Sasha Obama, isagoo go’aansaday inuu caawiyo.

Obama ayaa jikada la galay gabadhiisa, isagoo xirtay dharka jikada, waxaa muujinayay mas’uuliyada aabenimo, isagoo ku caawinayay waajibaadkeeda shaqo.

Arrintan ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada, waana wax dhif iyo naadir in la arko Madaxweyne gabadhisa ku dhiira gelinaya shaqo maalmeed ay ka heyso goob shaqo ah.

Marwada koowaad Michelle Obama ayaa mar ay hadleysay sheegtay inay dooneyso in gabdhaheeda ay nolol caadi ku noolaadaan sida suurta galka u ah.

Tani waxay tusaale u tahay carruurta Madaxweynayaasha soo mara caalamka istareexa ku jira, waxaana tilmaam loo soo qaadan doona kartida Sasha Obama oo inta ay ka tagtay istareexa ay ku qabtay qasriga Aqalka Cad shaqo raadsaday

Obama-maqaayadsasha3