(August 18,2016) Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Tababar U bilaabay Hogaaminta Gobolada Deegaanka

Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kabilawday kulan tababar lagu siinayay hogaaminta gobolada.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, hogaaminta gobolada oo ay ugu horeeyaan gudoomiyeyaasha gobolada, madax-xafiiseedyada arimaha xisbiga heer gobol, kuwa arimaha siyaasada iyo komishineerada gobolada.

Hadaba kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd tababar gaaban oo uu soo diyaariyay xafiiska xarunta dhexe ee XDSHSI oo laxidhiidha kobcinta hadafka iyo garaadka siyaasadeed ee hogaaminta gobolada ee dhinacyada dardargalinta shaqooyinka iyo waliba dhiirigalinta sidii looga midho-dhalin lahaa qorshayaasha higsiga fog ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn hogaaminta casharka kasiiyay taariikhda dheer ee uu wadankeenu soo maray guud ahaan iyo sida ay kutimid itoobiyada cusub ee kudhisan dimoqraadiyada isagoo gaar ahaana kudheeraaday sooyaalkii taariikheed ee deegaanka islamarkaana qeexay dhibaatooyinkii xisbiyada kaladuwan ee wadanka iyo kuwa deegaankuba sida boqortooyadii wadanka kasoo talin jirtay, dhargigii, ubbo, lego, al-itaxaad iwm ay kuhayeen shacabwaynaha deegaanka iyo marxaladihii cilmiyaysnaa ee lagaga soo gudbay.

Wuxuuna madaxwaynuhu tusaaleeyay inay wali jiraan dad kaxun nolosha, dimoqraadiyada, sinaanta, cadaalada, horumarka iyo nabadgelyada ay maanta haystaan shucuubaha iyo qawmiyadaha kaladuwan ee kunool dalka oo raba inay ummada dib ugu soo celiyaan burburkii iyo dhibaatooyinkii laga bogsaday. Kuwaas oo aan marnaba laga yeelaynin. Madaxwaynaha ayaana casharka tababarkan kuxusay in hababka aan kaga guulaysan karo cadawgeena kali ah ee maanta oo ah saboolnimada ay kamid yihiin in lasii labajibaaro waxqabadka dhanka horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban si wakhti gaaban gudihii uu dalku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

cakaaranews.com