(August 20,2016) Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda Dastuuriga ahaa maanta ugu egyahay

Maanta oo Taarikhdu ay ku beegan tahay 20-ka Bisha August waxaa  ay ku egtahay Watiga Sharcga ah ee  Baarlamaanka Federaalka Somalia, kaasi oo 4 Sano ka hor lagu dhisay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Maanta oo kale, 20-ka August waxay Shacabka Soomaaliyeed ay filiyeen Baarlamaan Cusub, oo bedala midka mudadiisu dhamaatay, kaasi oo ay ku eedeeyeen in inta badan Waqtigiisa ku dhameeyay Mooshino iyo Khilaaf.

Eeda ugu badan ee Baarlamaanka Waqtiga ka dhacay loo jeedinayo ayaa ah Wax-qabad la’aan, inkastoo ay Xildhibaanada ay taasi kasoo horjeesteen, islamarkaana isku tilmaameen Xildhibaano Qaranka Shaaqo wanaagsan u soo qabtay.

Xildhibaan Shariif Maxa’ed Cabdalla, oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu meel mariyay mudadii 4-ta sano ee lasoo dhaafay Sharciyo badan oo u soo gudbisay Xukuumada Somalia.

Wuxuu tilmaamay Xildhibaan Shariif Maxa’ed Cabdalla in ay waxa badan uga duwanaayeen Xildhibaandii hore ee Dowladihii KMG ahaa, isagoo carabka ku dhuftay in Wax Qalalaaso ah ka dhex-dhicin Baarlamaanka Federaalka ee Waqtigiisu dhamaaday.

Dhanka kale, Siyaasiga Jamaal Maxa’ed Cali ayaa aaminsan in Xildhibaanada Sharciyadoodu dhacday ay ku fashilmeen Howlhii loo doortay, islamarkaana ay ku mashquuleen mooshin ka keenista Xukuumada Tayo leh, oo waxtar u lahaa dalka.

Jamaal Maxa’ed Cali wuxuu hoosta ka xariiqay in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ahaayeen kuwa danahooda gaarka ah ka hormariyay mida Qaranka, maadaama ay keeneen Mooshino Waqtiga uga lumiyeen dalka iyo dadka.

Laakiin, Xildhibaan Shariif Maxa’ed Cabdalla ayaa ku tilmaamay Mooshinada ay ka keeni jireen Xukuumadaha in ay qeyb ka ahaayeen Howlahooda shaqo.

Si kastaba, Hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa dhawaan waxaa loo kordhiyay Mudo Labo Bilood ah, taasi oo Golaha Amaanka si aad ah uga soo horjeesteen.