(August 21,2016) Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan Muqdisho oo billado iyo shahaa-dooyin la guddoonsiyay

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa billado iyo shaqaadooyin u qeybiyay ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Mr. Keating ayaa uga mahadceliyay ciidamadan howsha ay u hayaan Qaramada Midoobay iyo halka ay ka wadaan oo ah Soomaaliya, waxaana uu u sheegay in ay ka wadaan Soomaaliya howl dhib badan misna natiijadeeda la arkayo.

Waxa uu sheekahay Michael Keating in Soomaaliya ay kusoo jirtay jahwareer siyaasadeed mudo 35-sano ah, balse iminka sameyneyso horumar dhanka dhidib u aasidda siyaasad daggan oo aan ku tiirsaneyn qabiil.

Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay Soomaaliya u joogto sidii ay jahwareerkan siyaasadeed ugu caawiso in ay iska saarto oo ay la mid noqoto dowladaha caalamka ka jira.