(August 21,2016) Turkey Soddon ku dhimatay qarax lala eegtay goob xaflad aroos ka socotay

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen, in ka badan 90 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel ay ka socotay xaflad aroos.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada ku taalla koofur bari dalkaasi ee Gaziantep.

Ku xigeenka Ra’iisul wsaaraha Turkiga, Mehmet Simsek, wuxuu sheegay inay u muuqato in weerarka uu qaaday qof is qarxiyey, wuxuuna ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.

Waxaa la tuhunsanyahay in weerarkaasi ay gaystay kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.