
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo wafdi uu hoaaminayo ayaa socdaal ku tagay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana si diiran usoo dhoweeyey guddoomiyaha iyo wafdigiisa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.
Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku salaysnaa sidii ay shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Galkacyo ugu tacsiyeyn lahaayeen isla markaana ula qaybsan lahaayeen murugada iyo dhibaatadii ay ururka Al-shabaab u geysteen shacabka Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafadda kula hadlay goobtii qaraxyadu ka dheceen wuxuuna tacsi u diray guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Gaalkacayo, isagoo sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka ay geystaan kooxda Al-shabaab in aysan ka hor istaagi doonin mas’uuliyiinta iyo shacabka Puntland in ay dalkooda dib u dhisaan, isla markaana ay dagaal la galaan maleeshiyada
Al-shabaab.
Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in si wada jir ah looga qayb qaato dib u dhiska hantidii ku bur-burtay weerarkii Gaalkacayo kaasi oo khasaare baaxad leh geystay.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ku sugnaan doona magaalada Gaalkacayo maalmaha soo socda, isla markaana waxay isaga iyo wafdigiisu si dhab ah u qiimeyn doonaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee ay geysteen weeraradii ay soo qaadeen Al-shabaab oo ahaa qaraxyo kala duwan, waxaana la guda geli doonaa in si deg-deg ah dayactir loogu sameeyo hantidii bur-burtay.